War Cusub Oo Ka Soo Cusboonaaday Baacsigii Chelsea Ugu Jirtay Saxiixa Danilo

Wararka ka imanaya dalka Spain iyo England ayaa sheegaya in Kooxaha chelsea iyo Real Madrid egyihiin in ay heshiis ka gaareen saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Danilo.

Chelsea ayaa xiiso u muujisay xiddiga reer Brazil todobaadyo ka hor waxana ay haatan u muuqataa in ay kooxda Real Madrid kala heshiisay qiimaha xiddigan.

Sida laga soo xigtay wargayka  portal UOL Real Madrid iyo chelsea ayaa ka heshiisyay saxiixa Danilo waxana la sheegayaa in ay Blues ka soo bixin doonto xiddigan lacag dhan 35 Milyan oo euro.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Blues ayaa saxiixa xiddigan ka dul qaadaysa kooxda Juventus oo xiiso waali ah u qabta xiddigan uu taageeraha u yahay tababare conte doonayana in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Danilo oo aan wakhti fiican ku qaadan kooxda chelsea ayaa laftiisu doonaya in uu isaga caraabo kooxda hanatay champions league si uu xilli ciyaareedka dambe boos joogto ah u helo.W