Chelsea Oo Shiishka Ku Haysa Macalin Ay Aad Isugu Eg Yihiin Conte, Maxay Ka Rabtaa?

Naadiga Chelsea ayaa waxay wada hadallo kula jirtaa macalinka xulka qaranka Talyaaniga ee dhalinyaradda 19-sano jirka ah, ninka lagu magacaabo Paolo Vanoli, waxaana ay dooneysaa inay kusoo biiro Shaqaalaha ka hoos shaqeeya Conte

44-sano jir Vanoli ayaa ayaa wuxuu ahaa xiddig garabka bidix ka dheela, wuxuuna dhaliyay goolkii guusha oo ay Kooxda Parma ku qaaday Koobkii UEFA Cup, sanadkii 1999-kii, wuxuuna soo maamulay Kooxo ay ku jirto Rangers oo 12 ah.

Wuxuu sidoo kale laba jeer garoonka usoo galay wadankiisa Talyaaniga, halkaas uu kol dambe macalin ka noqday, waana Xiddigaha ay da’doodu ka yartay 17-ka, 18-ka iyo 19-ka, uu haatan maamule ka yahay.

Macalinkaan ayaa hadii uu kusoo biiro Blues waxaa suurta gal ah inuu wax badan ka bedallo Kooxda islamarkaana ay isfahmi doonaan Antonio Conte, maadaama ay isku wadan yihiin, ayna isku falsafad dheelaa Maamulayaasha Italy udhashay.