Wiilka Uu Dhalay Tababaraha Real Ee Enzo Zidane Oo Si Kulul Ula Hadlay Aabihiis

1Wiilka uu dhalay Tababaraha Kooxda Kooxda Kubadda cagta Real Madrid ee Zidane, oo kooxda Los Blancos ka tirsanaa ayaa wuxuu ku biiray isla Naadi ka dhisan Horyaalka Spain ee La Liga.

Xiddigaan oo lagu magacaabo Enzo Zidane ayaa wuxuu si rasmi ah ugu biiray Kooxda Del Deportivo Alavés, halkaas ayuuna kasoo muuqan doonaa Xilli ciyaareedyadda soo aadan.

Mar uu kasoo hor muuqday Wariyaasha ayaa wuxuu sheegay in isaga iyo aabihiisa aysan isku mid aheyn, islamarkaana uusan dooneyn inuu maro waddii uu soo maray Aabihiis Zidane, wuxuuna yiri: “Zidane waa shaqsi anna Shaqsi kale.

Hadalkaan kasoo yeeray xiddigaan ayaa wuxuu ka yaabiyay dhamaan Wariyaashii xaadirka ku aheyd Shirka Jaraa’id, waxaana ay ku noqotay wax lama filaan, iyagoona la garan waayay wuxuu ka damcsanaa hadaladaas xiddigaan.