Rasmi:Per Mertesacker Oo Dhamaadka Xilli Ciyaareedka Dambe Shaqo Tababaranimo Ka Bilaabi Doona Kooxda Arsenal Laakiin Sidee?

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Per Mertesacker ayaa lagu soo waramayaa in uu xilli ciyaareedka dambe kooxda Arsenal ka bilaabi doono shaqadiisa Tababaranimo.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqday in Per Mertesacker uu tababare u noqon doono kooxda Akademiyada Arsenal marka uu dhamaado xilli ciyaareedka 2017/18.

Per Mertesacker ayaa sii wadi doona in uu u sii ciyaaro kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna xilli ciyaareedka dambe qaban sahaqadiisa tababaranimo ee da,yarka kooxda Arsenal.

Tababare Wenger ayaa si xoog ah ugu farxay in uu xiddigan reer Germanu ku sii sugnaan doono kooxda marka uu xilli ciyaareedka dambe ka fariisto ciyaaraha.

“per waa shaqsi cajiib ah oo waliba tusaale weyn u noqon doona xiddigaha da,yarka” Wenger ayaa u sheegay website-ka Rasmiga ah ee kooxda Arsenal.