CR7 Oo Mar Kale Qiimeyn La Liga Ah Ku Garaacay Xiddiga Ay Xifaaltamaan Ee Messi

Ciyaaryahanka Kooxda Real Madrid, ee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu xiddiga ay xifaaltamaan ee Messi ku garaacay qiimeyn la sameeyay oo ah xiddiga ugu badan oo ay soo xaadireen taageerayaal marka uu khudbad jeedinayo.

Ronaldo oo kaalinka koowaad kasoo galay qiimeyntaan ayaa waxaa la sheegay in sanadkii 2009-kii, markii uu kusoo biirayay Kooxdaan ay soo xaadirta khubadiisii ugu horeysay uu jeediyo 90,000 Kun oo taageerayaal ah.

Waxaa kaalinka labaad ee soo galay xiddiga Barcelona ee Neymar, kaas oo isana dhankiisa khubadiisii ugu horeysay uu jeediyo, markii uu imaanayay kooxdaan sanadkii 2013-kii soo xadireen taageerayaal gaaraya 55,500 Kun.

Kaka, oo sanadkii 2009-kii yimaaday Los Blancos ayaa wuxuu qiimeyntaan kasoo galay kaalinka seddaxaad, waxaana khubadiisii ugu horeysay uu ujeediyo Jamaahiirta Real, ay gaarayeen 50,000 Kun.

Messi ayaa wuxuusan kasoo muuqan qiimeyntaa, waxaana loo micmeeyay in Messi uusan kusoo biirin Barca, balse uu kasoo baxay Koox dhalinyaradda Bluagrana, waxaana kaalmaha Shanaad Iyo Afaraad soo galay Ibrahimovic Iyo James.