Arsenal oo diyaarineeyso dalab weyn oo aay ka gudbi doonan Thomas Lemar

Kooxda Arsenal ayaa mar kale ku laaban doontaaa suuqa kala iibsiga ciyaartooyda, Arsenal ayaa dooneeyso inay Thomas Lemar kala soo wareegtaa Kooxda AS Monaco ayagoo markaana u diraayo dalabkii labaad muddo labo bil isku xigta ah kadib markii dhamaadkii bishii June laga soo diiday dalabkoodii ugu horeeye ee £30m ee gini ahaa.

Arsenal ayaa todobaadkaan kala soo wareegtay Horyaalka Ligue 1 dhaliyahii Kooxda Lyon Alexandre Lacazatte oo ay ku soo qaateen qiimo rikoor jabis ahaa sidaas darteed Arsene Wenger oo ah macalinka Kooxda Arsenal ayaa u sheegay maamulka Kooxda in la kordhiyaa qiimaha lacageed ee dalabkooda ku gudbin doonaan.

Si kastaba ha ahaatee Monaco ayaa diidan inay kala furfuraan Kooxdooda waxaana ay u sheegeen Arsenal in uussn Lemar iib aheen qiimo walbo maadama ay diideen durba dalabkii Arsenal ee £30m ee gini.